Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa soo saaray liiska ciyaaryahannada u sharxan Abaa marinta laacibka ugu wanagasan sanadkan K2018 ubadda Cagta ee FIFA.
Waxaa kasoo muuqday liiska 10-ka Cayaaryahan ee laga xuli doono laacibka sanadkan ciyaaryahanno badan oo markii ugu horeysay uu soo galay liiska Maxamed Salaax oo u ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka Masar, sida uu shaaciyey xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.
Maxamed Salaax ayaa 46 goolal u dhaliyay kooxda uu dheela iyo dalkiisa xilli ciyaareedkii 2017-ka iyo 2018-ka, inkastoo uu xulkiisa meel ka gaari waayay ciyaarihii adduunka ee Russia 2018.
10-ka ciyaaryahan ee liiska ku jira waxaa ka mida: Cristiano Ronaldo, Kevin De Bruyne, Antoine Griezmann, Eden Hazard, Harry Kane, Kylian Mbappe, Lionel Messi, Luka Modric, Mohamed Salah iyo Raphael Varane.
Liiska hoos ka akhriso
| Magaca laacibka | Kooxda | Xulka Qaranka | |
|---|---|---|---|
| Cristiano Ronaldo | Juventus (formerly Real Madrid) | Portugal | |
| Kevin De Bruyne | Manchester City | Belgium | |
| Antoine Griezmann | Atletico Madrid | France | |
| Eden Hazard | Chelsea | Belgium | |
| Harry Kane | Tottenham | England | |
| Kylian Mbappe | PSG | France | |
| Lionel Messi | Barcelona | Argentina | |
| Luka Modric | Real Madrid | Croatia | |
| Mohamed Salah | Liverpool | Egypt | |
| Raphael Varane | Real Madrid | France |


