Dalka Finland ayaa noqday halka ugu farxadda badan adduunka ee dad ku noolaadaan, sida lagu sheegay warbixin sannadle ah oo ay daabacday Qaramada Midoobay.
Waxay kaalintan sanadkii hore ku jiray oo lagala wareegtay dalka Norway oo kaalinta oo hadda u soo dhacay kaalinta labaad. Warbixinta farxadda adduunka waxaa lagu jaan gooyaa sida dadka faraxsan ay dareemayaan iyo sababta ay u faraxsan yihiin.
Dalal ku yaala Waqooyiga Yurub ayaa shanta kaalmood ee hore si joogto ah u gala, halka dalalka ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwa Saxaraha Afrika ka hooseeya ay shanta ugu hoosaysa ka noqdaan sanad kasta marka laga reebo Soomaaliya oo dalal badan uga horeysa farxadda, inkastoo ay xaalad amni darro oo weyni ka jirto.
Burundi ayaa noqotay dalka ugu farxadda yar adduunka isaga oo kaalintaas kala wareegay Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Burundi oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa qalalaaso gashay markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu markii saddexaad isa soo sharaxay sannadkii 2015kii, arrintaas oo dhalisay dibad baxyo ay dhigeen taageerayaasha mucaaradka oo arrintaas sharci darro ku tilmaamay.
Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta 98 galay, wuxuuna ka horeeyaa dhinaca farxadda dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya oo gashay 124, Itoobiyana oo gashay kaalinta 127 iyo Uganda oo gashay kaalinta 135.
Jasiiradda Mauritius ee Badweynta India ayaa weli ah dalla ugu farxadda badan ee Afrika iyadoo gashay kaalinta 55aad.
The world’s happiest – and least happy – countries | |
---|---|
Dalalka ugu farxadda badan | Dalalka ugu farxadda yar |
1. Finland | 147. Malawi |
2. Norway | 148. Haiti |
3. Denmark | 149. Liberia |
4. Iceland | 150. Syria |
5. Switzerland | 151. Rwanda |
6. Netherlands | 152. Yemen |
7. Canada | 153. Tanzania |
8. New Zealand | 154. South Sudan |
9. Sweden | 155. Central African Republic |
10. Australia | 156. Burundi |
Warbixinta farxadda sannadkan ee Qarammada Midoobay waxaa sidoo kale lagu xusay farxadda dadka dalalkooda ka tagay. Muhaajiriinta dalka Finland ku nool ayaa ah kuwa ugu farxadda badan.