Sunday, July 6, 2025

Gaadiid lagu leexsaday Raashin Gargaar ah oo lagu qabtay magaalada Beledweyne & Dad loo xiray

Waxaa magaalada Beledweyne xalay lagu qabtay Gaadiid mucaawino siday oo la sheegay in lagu dejinayay Bakhaar ku yaalla magaaladaasi, kadib markii si gaara loo leexaday.

Gaadiidkan oo la sheegay inuu mucaawinada kasoo xarunta gurmadka ayaa xilli habeennimo 8:00 fiidnimo ay dabagal ku sameeyaan ciidamo, iyadoo markii dambe la qabtay, isagoo bakhaar ku yaalla magaalada ku dejinaya mucaawinada, waxaana la xiray ninkii Bakhaarkaasi lahaa, iyadoo ay socoto baarista dadkii ka dambeeyay arrintan.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkmadda Ciidamadda Qalabka sida qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan Dhamme Maxamed Cabdulqaadir Maxmed ayaa sheegay in Gaadiidka siday raashinka gargaarka ay xireen, lana tuhunsan yahay inay arrintan ku lug leeyihiin mas’uuliyiin, lana baari doono.

Waa tallaabadii ugu horeysay ee lagu qabto iyadoo la dhacayo gargaarka loogu talogalay dadka ku waxyeeloobay fatahaadda ka dhacday magaalada Beledweyne.

Bakhaaro lagu dejinayey mucaawino baabuur siday

Gaadiidka kasoo baxay xarunta mucaawinada

Bakhaarka lehaa oo la xiray

Gurmadkii ayaan helnay

waana soo xirnay

waa ka qotomo dheer tahay

dad mas’uuliyiin ah ayaa lagu wareejiyey

xeer ilaliyaha

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON