Wednesday, July 16, 2025

Gaari AMISOM leedahay oo la bililiqeystay & Guddoomiyaha G/Banaadir oo u tegay KM 4 [Sawirro]

Xaaladda Darawallada Banaanbaxa ka wada magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay kadib markii gaari AMISOM leedahay lagu bililiqeystay Isgoyska KM 4.

Dadkii  bannaanbaxyaash ayaa  ku qamaamay Gaari AMISOM leedahay oo kuwa xamuulka ah, iyagoo dhagxaan ku dhaawacay Darawalkii gaariga, iyadoo ciidamada AMISOM ay ka baxsadeen gaariga markii ay badbaadiyeen Darwalka, kadibna waxaa gaariga lagula dhaqaaqay bililiqo.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa ku soo baxay xaaladda, isagoo soo dhex galay Darawallada Bajaajta si uu cabashadooda u dhageysto, waxaana ay u sheegeen in dhimasho iyo dhaawac loo geystay oo meydkooda aan weli la aasin dhaawacooduna isbitaallada yaallo iyagoo cabasho ku jira.

Taabit Cabdi Maxamed ayaa kala hadlay Bajaajleyda inay joojiyaan Bannaanbaxa oo arrintooda la xalin doono, waxaana wadahadal hadda u socdaa labada dhinac.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON