Tuesday, June 24, 2025

Gaari lagu diyaarinayey Qarixii ugu weynaa oo lagu qabtay degaan ka tirsan Gobolka Sh/hoose..

Ciidammada Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay degaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose ku qabteen Gaari lagu diyaarinayey qaraxii ugu weynaa ee Alshabaab diyaariso.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu yahay Booyad weyn oo lagu dhex diyaarinayey waxyaabaha qarxa, waxaana qiimeynta lagu sameeyay Gaariga lagu sheegay inuu noqon lahaa midkii ugu weynaa ee waxyaabo qaraxa oo intaas la eg la saaro, iyadoo bartilmaameedkiisu laga cabsi qabo inuu ahaa magaalada Muqdisho.


Dagaal muddo kooban socday kadib ayey ciidamada dowladda qabsadeen degaankaasi, iyadoo maleeshiyada Alshabaab ay halkaasi ka baxeen, waxaan weerarka qeyb ka ahaa ciidamada Danab ee kumaandooska Xoogga Dalku.

Ciidamada dowladda ayaan weli wax war ah kasoo saarin gaariga la sheegay in lagu qabtay degaanka Sabiib ee Sh/Hoose.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON