Wasiirka amniga maamulka Jubba ayaa la sheegay inuu si dirqi ah uga badbaaday isku dil oo lagu qarxiyay gaari uu la sodday.
Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa la sheegay in Gaari uu la socday ay miino kula qaraxday duleedka degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Qaraxa ayaa la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay gaariga, balse uu wasiirku ka badbaaday, sida ay ku warrameen dadka degaanka.
Wasiirka ayaa Gobolka Gedo u tegay xiisad ka dhalatay xubno ka tirsan Alshabaab oo iyadoo xiran ay la baxeen qaar ka mida ciidamada maamulkaasi oo ay toogasho ku dileen degmada Beledxaawo.
Alshabab ayaa la sheegay inay ka dambeysay qaraxa loo dhigay wasiirka ka tirsan Jubbaland.