Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa iyo Hub. Gaariga ayaa la dhigay banaanka hore taalada Sayidka ee u dhow xarunta Baarlamaanka, magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa sheegay in Gaarigaas oo ah kuwa yar yar ee nooca raaxada ayaa laga war helay inuu miineysan yahay, markii ay ka degeen laba nin kadibna ay baxsadeen.
Jidka Maka Almukarama inta u dhaxeysa madaxtooyada iyo Hotel Weheliye ayaa xiran iyadoo halkaasi la geeyay khubarada waxyaabaha qarxa ee ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda.
Gaarigan Qaraxa ka buuxa ee la qabtay ayaa ka danbeeyay 24 saacad kadib markii shalay gaari kale lagu qarxiyay taliska ciidamada taraafikada Muqdisho.
Goobjooge.com