Monday, July 14, 2025

Gaari weyn oo Qarax looga shakisan yahay oo soo galay Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay…

Waxaa xaalad kacsan ka jirtaa Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho, kadib markii halkaasi lagu arkay gaari weyn oo nooca xamuulka ah, kaasoo looga shakisan yahay inuu qarax ku sido.

Gaariga oyaala Isgoyska Black sea ee degmada Hodan ayaa sabahay inay halkaasi isaga cararraan dadkii ku sugnaa, waxaana la xiray wadooyinka aaggaasi ku dhow oo ciidamada amniga ay dadka u diideen.

Waxaa gebi ahaan la xiray ganacsigii iyo isu socodkii Wadadda Black Sea, waxaana laga fogeeyay dadka, iyagoo ciidamada amniga ay goobta ku sugan yihiin.

Dhinaca kale ciidamo ka amar qaata Taliyihii hore ee Booliska G/banaadir Jen. Saadaq Joon oo ku sugnaa meel u dhow halkaasi ayaa dib uga baxay markii ay arrinta Gaariga soo baxday.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Gaarigii laga shakiyey ay sii daayeen ciidamada amniga markii la hubiyey inuusan sidin wax qarax ah oo shaki uun ay noqotay, waxaana dib u furmay isu socodka Jidka Black Sea.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON