Wednesday, June 25, 2025

Gabadhii labaad oo lagu la’ yahay Magaalada Gaalkacyo & Baaq ka yimid Qoyskeeda. [Akhriso]

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in gabadhii labaad lagu la’ yahay magaalada, kadib markii lagu saaka meydkeeda la helay gabar 12 sano jir ah oo si xun loo helay, tacadina loo geystay.

Qoyska gabadhan yar oo muddo saddex maalmood ah la’ yahay ayaa magaceeda lagu sheegay Hani Maxamed Warsame, waana 13 sano jir ah, iyadoo lagu waayey magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen qoyskeeda oo dadweynaha magaalada ka codsaday inay gacan ka heysteen raadinteeda.

Hooyada gabadhan la waayey oo lagu magacaano ahro Waadhaho Cabdinuur ayaa ka codsaday dadweynaha magaalada Gaalkacyo inay la soo xiriiraan haddii ay arkaan ama wax shaki geliya arkaan, iyadoo laga xiriirayo Telefoonada hoos ku qoran:

+252907766512/906024085

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay fal arxan darro ah oo loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 sano jir ahayd

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON