Sunday, July 6, 2025

Gabar Adeegto ahayd oo iska tuurtay Dabaq ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa gabar adeegto ah oo xalay iska soo tuurtay Dabaq ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Gabadhan ayaa lagu magacaabaa Aamina Feysal Ismaaciil, waana 14 sano jir adeegto u ahayd qoys degan Dabaqa ay iska tuuray, waxaana gaaray dhaawac xoog leh, siiba Sanka oo ka burburay madaxa, Gacan iyo jirka intiisa kale.

Eehelka gabadha ayaa sheegay inay la tacaalayaan xaaladda caafimaad ee Aamina, iyadoo la dhigay Isbitaalka Difgeer ee magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen inaysan ogeyn sababta keentay inay iska tuurto Dabaqa, lagana war sugayo marka ay hadasho.

Ehelka Gabadhan ayaa sheegay inaysan weli hadlin, balse laga soo saaray qolka xaaladda degdegga ah, iyadoo aan weli la ogaanin sababta ku kaliftay, lana oran karin waa ‘jaceyl’ sida baraha bulshada lagu faafiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON