Gabar muslim ah ayaa lagu afduubtay kadibna la dilay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, kadib markii ay kasoo baxday Masjid afurka kadib.
Weerarkan oo naxdin weyn ka dhaliyay ayaa waxaa geystay nin Boolisku markii dambe qabteen oo weerar ku soo qaaday gabdho wada socday oo masjidka ay tukadeen kasoo baxay.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Darwin Martinez Torres ayaa weerar ku soo qaaday gabdho ilaa shan ahaa oo ay ka mid ahayd gabadha la dilay oo magaceeda lagu soo koobay Nabra oo 17 sano jir ah.
Booliska ayaa gacanta ku dhigay ninka falkan ku eedeysan oo 22 sano jir ah, waxaana socda baaritaanka falkan argagaxa leh. Saaxiibada Nabra ayaa ka hadlay xaaladda gabadhan iyo dhaqankeedii wanaagsanaa.
