Tuesday, August 26, 2025

Gabar uu dhalay Madaxweyne Farmaajo oo ka hadashay guusha Doorashada ee Aabaheed gaaray

Mid ka mid qoyska Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya ayaa ka hadashay guusha doorashada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gabar uu dhalay Farmaajo oo lagu magacaabo Intisaar ayaa saxaafadda Mareykanka ay ka soo xigatay inay sheegtay in aabaheed uu doonayo howl weyn uu ka qabto Soomaaliya oo qabyo u ahayd.

Intisaar Farmaajo oo 24 sano jir ah ayaa sheegtay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo muddo badan dib loo dhigay ilaa bishii Novembar uu rajo weyn ka qabay aabaheed inuu ku soo baxo oo uu doonayo inuu dalkiisa u shaqeeyo.

“Wuxuu jecel yahay dalkiisa, waana meeshii uu ku dhashay” ayay tiri Intisaar Maxamed Farnaajo oo ay soo xigtay webka Bufallo News xaruntiisu tahay magaalada ay degan yihiin qoyska Farmaajo.

“Sanado badan oo qalalaase ah, wuxuu dalkiisa ka shaqeeyay xilli ay dadka Soomaaliyed rajadii la luntay” ayay tiri Intisaar Farmaajo oo sheegtay dadku ku farxeen doorashada aabaheed oo ujeedkiisu yahay inuu Soomaaliya ku soo celiyo xaaladii caadiga ahayd.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON