Tuesday, June 24, 2025

Gabar Weriye Caan ahayd oo ku geeriyootay dalka Turkiga & Wararkii ugu danbeeyay

Waxaa dalka Turkiga ku geeriyootay goor dhoweyd Weriye Hani Xaaji Maxamed oo ka mid ahayd saxafiyiinta ka howlgeli jiray magaalada Muqdisho ee ka tirsaneyd Telefishanka Universal.

Wararka laga helayo dalka Turkiga aya sheegaya in allaha u naxariistee Hani Xaaji ay u geeriyootay jirdil ay u geysteen ciidmada Giriiiga oo dhaawac culus ka soo gaaray, markii isbitaalka loola cararrayna ay durba geeriyootay, waxayna ku socotay dalka Giriiga oo ay dooneysay inay ka gudubto Turkiga.

Hani Xaaji Maxamed ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay joojisay shaqadii weriyenimada iyado al sheegay inay u wareegtay dowladda Fedeaalka, markaas kadibna ay xilligan ku talo jirtay inay gasho Yurub.

Waxay kasoo shaqeysay warbaahin fara badan oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, waxaase si weyn loogu yiqiin Telefishanka Universal. Allaha u naxariisto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON