Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee maamulka Galmudug Jaamac Xasan Salaad ayaa shaaciyay magcyada maamulka Cusub ee Degmada Balanbael ee Gobolka Galgaduud oo Galmudug ay magacawday.
Munaasabad loo qabtay magacaabista xubnahan cusub ee degmada Balanballe, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi.
Magacyada Xubnaha Maamulka Degmada Balanbale hoos ka akhri.
- Jaamac Xayle Maxamed Aar Gudoomiyaha degmada Balanbal
- Cabdirisaaq Axmed Xalane Gudommiye Kuxigeena koowaad ee Degmada.
- Cabdi Xaaji Xasan Gudoomiye kuxigeenka labaad ee degmada
- C/laahi Xasan Barre Xoghayaha dawlada hoose
- Cabdi Faarax Warsame Madaxa waaxda amniga iyo siyaasada
- Saalax Cabdulle Aadan Madaxa waaxda arimaha bulshada
- Dhakal Qurac Cali Madaxa waaxda maamulka iyo maaliyadda
- Cabdi Muuse Cali Taliyaha booliska degmada
- Cawil Cabdi Yuusuf Taliyaha Nabad sugida degmada
- Cabdifitaax Daaahir Buldhe Kaaliyaha waaxda amniga iyo siyaasada
- Faysal Siyaad Caanood Kaaliyaha waaxda arimaha bulshada
- Shirwad Cali Kulane Kaaliyaha waaxda maamulka iyo maaliyadda
- Cabdi Caanood Guuleed Kaaliyaha waaxda garsoorka
- Shewkh Faarax Cilmi Faarax Qaaliga maamulka degmada
- Gambeys Xasan Gurato Madaxa waaxda bay”ada iyo dhirta.
Guddoomiyaha cusub ee degmada balan bal Jaamac Xayle Maxamed ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo magacaabay, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan.
Goobjooge.com