Guddoomiyaha magacaaban ee Maxkamadda Sare ee Galmudug Yaxye Sheekh Cali ayaa tegay Magaalada Caadaado iyadoo laga cabsi qabo inuu sii fogeeyo xiisadda siyaasadeed ee ee ka dhex taagan madaxda Galmudug.
Yaxye Sheekh Cali Maxamed ayaa Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed, waxa uu u magaacabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulkaas, iyada oo aan la hor keenin baarlamaanka Galmudug, isla markaana aan la ansixin, maadama wakhtigaas uu jiray khilaaf weyn oo u dhexeeya baarlamaanka iyo Madaxweyne Guuleed.
Guddoomiyaha keligiis magacaaban ee Maxkamadda Sare ee Galmudug ayuu howlgeliyay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) si uu ugu adeegssado dagaalka uu kula jiro xildhibaannada ka soo horjeeda, taasoo ah xaaladda ka dhigeysa mid sii cakiranta.

Wakhtigii loo magacaabay Yaxye Sheekh Cali xilka Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug ayaa ahaa bilowgii bishii 1aad ee sanadkan 2017ka, waxaana markaas la sheegaa in uu Madaxweynihii is casilay uu doonaayey in uu kula dagaallamo xubnaha baarlamaanka ee ka soo horjeeday.
Dagaal dheer ayuu u galay Yaxye si aan xilka looga qaadin Madaxweyne Cabdi Kariim Guuleed balse kuma uusan guuleysan maadama ay isa saarnaayeen wakhtigii isaga xilka loo dhiibay iyo wakhtigii uu guuleed isakaga tagay Galmudug.
Haddaba, dad badan ayaa aaminsan in arrinkaani uu yahay mid caro iyo ciil ku abuuray guddoomiyaha aan la ansixin ee Maxkamadda sare ee galmudug, taas oo uu u qabo guud ahaan xildhibaannada Galmudug.