Wasaarada Amniga Gudaha Galmudug iyo Maamulka Degmada Cadaado ayaa si isku mid ah u beeniyay warar ay baahiyeen Warbaahinta qaarkeed oo lagu sheegay in qarax is-miidaamin ah ka dhacay Cadaado, gaar ahaan magaalada madaxtooyad Galmudug.
Wasiir ku xigeenka Amniga Galmudug Cali C/llaahi Galawac iyo Gudoomiyaha Cadaado C/llaahi Cabdiraxmaan Xuseen (Tootoole) oo shir jaraa’id ku qabtay Cadaado ayaa sheegay in wararka sheegaya in Cadaado qarax ka dhacay ay yihiin been abuur isla markaana dadka Cadaado ay nabadgelyo ku ciideen meel fagaaro ah oo u dhow Madaxtooyada Galmudug iyadoo uu goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed xashi Cabdi.
Waxay sheegeen in falkii saaka ka dhacay magaalada Cadaado uu ahaa is rasaaseyn dhex martay Ciidanka booliska iyo Ganacsato Qaadka iibisa oo ciidamada amaanka ay doonayeen inay yareeyaan xawaaraha magaalada Qaadku ku dhax maro.
Falkaas ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba oo ka mida dhalinyaradii Qaad-waleyaasha ahaa halka Booliska uu ka dhaawacmay hal askari.
Goobjooge.com