Maamulka Galmudug ayaa jawaab kulul ka bixiyay warkii ka soo yeeray mas’uul ammaanka u qaabilsan Ismaamulka Soomaalida ee Kilinka Shanaad oo maamulka Galmudug ku eedeeyay inay yihiin Alshabaab.
Wasiir Ku xigeenka Caddaalada Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay marar badan xasuuq ka geysteen degaanada Dacdheer iyo Kaxan-dhaale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud iyagoo laayay dad maati ah dhulka Soomaaliyeedka kusoo xad gudbay.
Isagoo ka hadlay dagaalada ka socda degaanadaasi ayuu sheegay inay si toos ah ciidamada Liyuu Boolis oo wata Calanka Itoobiya uga qeyb qaateen dagaalka ka qeyb qaateen, iyadoo dadka shacabka ah ay iska celiyeen oo ay jilibka u dhigeen.
DHAGEYSO WARKA
Goobjooge.com