Thursday, July 17, 2025

Galmudug oo ku dhawaaqday in ciidamo ka socda AMISOM la geynayo Cadaado [Dhageyso Sababta]

Ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in la geynayo degaanada Galmudug si ay u ilaaliyaan nabadgelyada goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xasshi Cabdi (Carrabey) oo  dib ugu laabtay magaalada Cadaado kadib markii uu ka qeyb galay  Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho ayaa sheegay maanta in Magaalada Cadaado la geynayo ciidamo ka socda AMISOM oo sugaya ammaanka doorashooyinka.

Wuxuu caddeeyay in ciidamada AMISOM ay sugayaan ammaanka goobaha iyo ergooyinka Doorashada. Ma sheegin madaxweyne ku xigeenka ciidamada tegi doona Cadaado dalka ay kasoo jeedaan, waxaase la filayaa inay noqdaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Galgaduud oo horeba u tegay magaaladaasi xilligii la dhisayay maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay ilaa 7 meelood ay  ka dhici doonto doorashada dalka oo dhan, goobahaas oo ciidamada AMISOM ka howlgeli doonaan.

Xubnaha lagu soo dooranayo degaanada Galmudug ayaa gaaraya 36 xildhibaan oo ka mida xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka iyo 8 xildhibaan oo Aqalka sare ah.

DHAGEYSO MADAXWEYNE KU XIGEENKA GALMUDUG

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON