Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo C/kariin Guuleed ayaa heshiis lagu dhisaayo Dekadda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug la saxiixday shirkad laga leeyahay dalka Ciraaq.
Saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynha Maamulka Galmudug iyo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna heshiiska ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha maamulka Galmudug, mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo heeshiiska kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhismaha cusub ee Dekadda Hobyo wax weyn ka bedeli doono horumarka dhaqaale ee maamulka Galmudug, iyadoo shacabka Galmudug ay baahi weyn u qabaan dib u dhiska Dekadda Hobyo oo in muddo ah aanan shaqeyneynin.
“Dekadda Hobyo waxa ay noqon doontaa mid casri ah oo ay ku soo xirtaan Maraakiibta casriga ah ee ka gooshta Badweynta Hindiya, sidoo kale waxaa ka faa’iideysan doono shacabka Galmudug iyo dowladaha kale ee dariska la ah Soomaaliya” ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.
Dhanka kale, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Nuur Faarax Xersi oo isana ka hadlay goobta uu heshiiska ka dhacay ayaa sheegay in heshiiskaan lagu dhisayo Dekadda Hobyo uu qeyb ka yahay dadaallada lagu hormarinaayo deegaanada iyo gobollada dalka.
Ma cadda doorka dowlada Federaalka ee heshiiskan, waxaana hore uga soo shaqeysay safiiradii Soomaaliya ee dalka Ciraaq Khadiija Almakhzuumi oo ah xaas u dhaxda madaxweynaha Galmudug.
DAAWO SAWIRRO