Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Xersi Aadan Aruurshe (Xersi Aduunyo) .
Dilak Marxuumka oo ahaa milkiilaha Shirkadda HUBAAL ee magaaladda Boosaso ayaa la sheegay inay geysteen dabley baxsataym waxaana dilku ka dhacay xaruntiisa Ganacsiga ee uu ku taala duleedka Magaaladda Boosaso, oo ah meel magaalada caan ah oo lagu Iibiyaa waxyaabaha Mac-macaanka, bagaasha iyo adeegga dhaqista Gaadiidka.
Magaalada Boosaaso ayaa xiisad ka dhalatay rabshado shalay ka dhacay ay weli ka taagan tahay, waxaana la dareemayaa in nabadgelyada khalkhal gashay.
Goobjooge.com