Ganacsadaha iyo Siyaasi caanka ah ayaa isu soo sharxay xilka Madaxweynaha Galmuduug oo muran ka taagan yahay kadib markii qaar ka mida xildhibaanada Galmuduug ay xilka ka qaadeen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ah ganacsade ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo dhowaan ku fashilmay in dib kursiga loogu doortay ayaa la xaqiijiyay inuu isu sharxay xilka madaxweynaha Galmudug.
Xaaf ayaa ka mida ahaa xubnaha ka dambeeyay xil ka qaadista C/kariin Guuleed iyo xiisada siyaasadeed ee ka tagaan Galmudug, waxaana mushraxnimadiisa shaaciyay mid ka mida xildhibaanada xilka ka qaaday madaxweynaha Galmudug.
Xildhibaanada oo maanta ku shiray xaruntooda Xero-madow ee magaalada Cadaado ayaa ka hadlay arrimo aan quseyn doorashada oo ku saasban abaaraha, waxayna ku dhawaaqeen inay dhiseen laba Guddi.
Goobjooge.com