Ganacsade caan ah ayaa maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Bashiir Raage Shiiraar oo ka mida Ganacsatay sida weyn looga yaqaan Magaalada Muqdisho iyo dalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu isu sharxday sidii loo heli lahaa isbedel ku yimaada hogaanka sare ee dalka.
“Markii aan arkay musharixiinta fara badan ee is sharxday oo aan ka waayay mid dalka iyo dadka lagu aamini karo ayaan go’aansaday inan isu taago xilka madaxweynaha dalka, waxaan doonayaa inaan dalka badbaadiyo…” ayuu yiri Musharax Bashiir Raage Shiiraar.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu ka sheegay in marka uu qiimeeyay xaalada dalku marayo iyo musharaxiinta isu soo taagay xilkaas inuu u arkay in la joogo waqtigii loo baahnaa inuu isu taago xilka madaxweynaha.
Bashiir Raage ayaa ka mid ahaa Ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha Muqdisho oo muddooyinkii danbe laga waayay masraxa siyaasadda.
Goobjooge.com