Tuesday, July 8, 2025

Ganacsade doonaya inuu Maalgashado xilka ugu sareeya Soomaaliya oo isu sharxay Madaxweyne

Ganacsade doonaya inuu maalgasho xilka ugu sareeya Soomaaliya ayaa si rasmi ugu dhawaaqay maanta inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ganacsade Caddow Cali Gees oo dhowaan ku guuleystay xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa xaflad uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha.

KASHIFAAD: Maxaa keenay in Ganacsade Caddow Cali Gees uu Nus Milyan Doolar ku maalgashado kursi Xildhibaan? SAWIRRO

Ganacsadahan ayaa ah Qandaraasle AMISOM la shaqeeya, isla markaana dano ganacsi oo kala duwan ku leh Soomaaliya, wuxuuna xildhibaan noqday sanadkii 2012 markaasoo laga soo xigtay inuu Baarlamaanka ugu biiray inuu ku ilaashado danihiisa ganacsi, isla markaana uga badbaado baad ay ka qaadi jireen siyaasiyiinta.

Xildhibaan iyo Ganacsade Caddow Cali Gees ayaa lacag ka badan Nus Milyan Doolar ku bixiyay doorashadii kursiga Baarlamaan ee Beeshiisa, waxaana hadda uu ka mid noqday musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON