Wednesday, June 25, 2025

Ganacsade Somali ah oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika & mid kale oo lagu dhaawacay.

Wararka laga helayo dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in magaalada Capetown lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed, iyadoo mid kale lagu dhaawacay kadib weerar ay ku qaadeen burcad dalkaasi u dhalatay.

Dilka ayaa saaka ka dhacay Xaafadda Zola, degaanka Strand ee magaalada Cape Town, waxaana ganacsadaha la dilay lagu magacaabi jiray Macalin Cabdulaahi Cali Ciise, waxaan weerarka burcadda Koonfur Afrikaanka ku dhaacmay ganacsade kale oo magaciisa lagu sheegay Nuur Bafaana.

Burcadda madowga ah ee South Africa ayaa dukaankii ay lahaayeen ganacsatada Soomaalida u geysay dhac, iyagoo qaatay lacag iyo wixii ay qaadan kareen, waxayna ka baxsadeen halkaasi, iyadoo Booliska la sheegay inuu baaritaan wado.

Xalay ayey ahayd markii burcad kale ay rasaas ku fureen darawal Somali ah oo ku shaqeysta gawaarida Uber-ka, kasoo dhaawac fudud kasoo gaaray weerarka, kana badbaaday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON