Saturday, July 12, 2025

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika iyo mid kale oo la dhaawacay

Wararka laga helayo magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in ganacsade Soomaali ah lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay duleedka magaaladaasi.

Koox hubeysan ayaa Allaha u naxariistee Ganacsade Cabdi Jimcaale Cali Dable ku dishay degaanka Soweto, waxayna dhaawacmeen ganacsade kale oo lagu magacaabo Axmed C/llaahi Cali oo dhaawaciisu halis yahay.

Koox ka kooban 3 nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaadya Dukaanka labada ganacsade oo ku yaalla Degaanka Soweto ee duleedka Magaalada Johannesburg Xilli ay markaasi ka baxayeen , waxayna toogteen markii ay isku dayeen inay ka baxsadeen Goobta.

Dilka Ganacsatada Soomaalida ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ah mid joogto ah oo inta badan aan waxba laga qaban iyadoo South Afrika ay ka mid tahay dalalka ugu dembiyada badan caalamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON