Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Ganacsade Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu ka haray tartanka xildhibaannimada Aqalka hoose.
Kursiga Beesha 24-aad Beesha Sacad/Cabdalle oo ay ku loolamayeen:
1. Cabdisalaan Xaaji Axmed
2. Axmed Macalin Fiqi Axmed
3. Axmed Ducaale Geelle Xaaf
4. Iimaan Jaamac Yuusuf
Waxaa goobta doorashada ka soo xaadiri waayay Musharaxinta oo kala ah: Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhaban-cad) oo aan la shaacin sababta ay uga maqnaadeen tartanka.
Codeynta oo hadda soo dhammaatay ayaa u muuqata mid si hoose loo xaliyay oo kursigan loo siiyay Axmed Macalin Fiqi, taasoo keentay inuu ku guuleysto kursigan.
Goobjooge.com