Saturday, April 20, 2024

Ganacsato ka socota dalka Qatar oo magaalada Muqdisho lagu soo dhoweeyay [Sawirro]

Ganacsato ka socota dalka Qatar ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga ganacsatada dalka Qatar ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin socdaalka ay ku yimaadeen, waxayna intaas ku dareen in ujeedka socdaalkoodu yahay sidii ay Soomaaliya uga heli lahaayeen fursado maalgashi.

Ganacsatadan reer Qatar ayaa Muqdisho kula kulmi doona madaxda dowladda Soomaaliya iyo  Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waana ganacsatadii ugu horeysay ee ka socda dalka Qatar oo arrimo maalgashi iyo ganacsi u yimaada dalka.

Ad

Wasiir ku xigeenka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Fahmo Axmed Nuur ayaa garoonka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweysay wafdiga, waxayna sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, iyadoo la dhameystiray shuruucda maalgashiga dalka.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON