Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya ayaa sii wada kulamadii uu la yeelanayay diblomaasiyiinta iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.
Xasan Cali Kheyre oo aan weli baarlamaanku ansixin wuxuu ku dhiiraday inuu iska wato howlihiisa qaabilaad, waxaana uu xalay la kulmay xubno ka socotay ganacsatada Muqdisho.
Qoraal uu soo diray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayuu ku sheegay inuu la kulmay ganacsato caan ah oo dibadda ka yimid ay ku soo booqdeen hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ayna ugu hambalyeyeen xilka loo magacaabay.
Ad
- Advertisement -
Goobjooge.com
Warar Xul ah