Sunday, June 22, 2025

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo dib u furmay & Dowladda Soomaaliya oo dhegaha ka fureysatay Ganacsatada

Waxaa maanta dib loo furmay qeybo ka mida Suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho, kadib markii uu xirnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Ganacsatada waaweyn ayaa xiray suuqa, iyadoo ganacstada kale ku amray inay xiraan ganacsigooda, taasoo keentay in Suuqu shaqeyn waayey muddo laba maalmood ah, laakiin waxaa muuqata inaysan socon karin tallaabada ay Ganasatada isku xayireen, iyagoo ka cabanaya canshuur ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Ganacsatadda gadoodka wada ayaan weli ku guuleysan in wax tanaasul ah ka helaan dowladda Soomaaliya oo ku adkeysaneysa canshuurta iibka ee ay soo rogtay, waxaana is mari waaga jira uu yahay kii ugu adkaa ee labada dhinac ka dhex oogma.

Ad

Ganacsatada ayaa kulamo la leh xildhibaannada Baarlamaanka, iyagoo raadinaya qaab loo xaliyo khilaafka kala dhaxeeya wasaaradda Maaliyadda, iyadoo dekadda ay ku xayiran yihiin alaab uu kharash ku socdo, welina la soo xirin maraakiib u socota ganacsatada oo taagan xeebta Muqdisho.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON