Gantaallo la sheegay inuu Ruushku riday Ruushku ayaa gudaha ku dhacay dalka Poland oo deris la ah da;la Ukraine oo ay ku socdaan weerarrada Ruushku ku hayo magaalooyinka dalkasi.
Duqeymaha Ruushka oo magaalooyinka dalka Ukraine intooda badan ka dhigay Koronto la’aan, ayaa la sheegay inay u gudbeen dalka Poland, halkaasoo labo ay ku dileen, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, balse dowladda Mareykanka ayaan si rasmi ah u xaqiijin arrintan.
Waa markii ugu horreysay ee hubka iyo Gantaalaha Ruushku ku dhacaan dal ka tirsan Gaashaanburuta NATO. Afhayeen u hadlay dowladda Poland Piotr Mueller ayaan si degdega u xaqiijin arrintan, isagoo ku gaabsaday inay socoto xaqiijinta arrintan.
Gantaalada Ruushka ku dhacay goob ku taal Poland oo qiyaastii 15 mayl u jirta xadka Ukraine, Afhayeenka Doladda Poland ayaa sheegay in Golaha Amniga Dalkaasi ay yeelanayaan shir degdeg ah “xaalad qalalaase awgeed.”
Ruushka ayaa beeniyay in Gantaallo ka yimid ay ku dhaceen dalka Poland, halka warar qaar sheegayaan in gantaallahaasi ay noqon karaan kuwa difaaca cirka Ukraine.
Warbaahinta Poland ayaa sidoo kale ku warantay in 2 qof ay dhinteen Talaadadii kadib markii madfac uu ku dhacay degaanka Przewodów, Tuulo ka tirsan Poland oo dhow xadka Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in Ruushku uu riday ugu yaraan 85 gantaal, kuwaas oo intooda badan lala beegsaday xarumaha korontada ee dalkaas, taasoo keentay in magaalooyin badan ay mugdi galaan koronto la’aan darteed.
