Wararka laga helayo caasimadda Sacuudiga ee Riyaad ayaa sheegaya in gantaallo lagu weeraray magaaladaasi, iyadoo laga maqlay qaraxyo waaweyn.
Wararka ayaa sheegaya in afar Gantaal oo oo ay soo rideen kooxda Xuuthiyiinta Yeman, ayaa la sheegay in ay ka hortageen difaacyada Sacuudiga oo ay burburiyeen, waxaana subaxnimadii saaka la sheegay in diyaarad iskeed isu wada sidoo kale ay ciidamada Sacuudiga ku soo rideen agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Abha.
Lama soo werin qasaare ka dhashay gantaallaha Xuuthiyiinta Yeman, waxaana soo baxaya wararka ku saabsan, waxayna dadku isla dhex marayaan in qiiq weyn uu ka kacay qeyb ka mida magaalada.
Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegray inay gantaallo Blastic ah ku weerartay xarun shidaal oo shirkadda Aramco ku leedahay magaalada Riyaad.