Xisbiga Kulmiye ee Madaxweynaha Somaliland ayaa ku guuleystay inuu kala jebiyo Xisbiga Mucaaradka ee UCID, iyadoo xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay heshiis cusub.
Waxaa la shaaciyey in heshiiska dhexmaray Isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garab ka mida xisbiga UCID, kaasoo ku saabsan shaacinta musharaxiinta Shir guddoonka Golaha Wakiillada ee cusub ee Somaliland oo si weyn la isugu hayey.
Xildhibannada ka tirsan UCID ee Golaha Wakiilada, kuna sugnaa xafladda ayaa gaaraya 11 xildhibaan oo ahaa xildhibaannada xisbiga UCID uga soo baxay doorashadii Golaha Wakiillada, waxaana ka mid ahaa Musharaxii Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID ee doorashadii hore.
KULMIYE iyo garabka ka jabay xisbiga UCID ee uu hoggaamiyo Feysal Cali Waraabe waxay ku heshiiyeen inay shirguddoonka u sharraxaan Guddoomiyaha Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka socda Kulmiye, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Siciid Mire Faarax (Giirre) iyo guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ah UCID garabkeeda cusub.
War kasoo baxay xisbiga UCID ayaa lagu sheegay in xubinnimadii xisbiga iyo xoghayenimadii laga xayuubiyey xildhibaan C/naasir Qodax oo lagu eedeeyay inuu qiyaano ku dhaqaaqay, taasoo uu beeniyey sharci darradana ku tilmaamay xildhibaanka.
Arrintan aya dhabarjab ku ah isbaheysiga Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee doonayey inay la wareegaan Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland. Xisbiga UCID ayaa mar waliba u nugul cadaadiyada uga yimaada xisbiyada talada haya.
