Wararka laga helayo Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aden Cadde International Airport ayaa sheegaya in maanta garoonka laga celiyay diyaaradihii imaan lahaa kadib markii diyaarad nooca qaadka keena ah ay cilad ku qabsatay dhabbaha diyaaradaha ku duulaan.
Arrintan ayaa ka dhacday garoonka Muqdisho oo leh hal run-way ama hal dhabbe oo diyaaradugu ha haadaan, kuna soo degaan, waxaana maalin kasta Muqdisho qaad keena 3-5 diyaaradood oo ka yimaad dalka Kenya. Diyaaradda Qaadka keentay ee ciladu qabsatay ayaa markii danbe laga wareejiyay dhabbaha garoonka.
Diyaarado dhowr ah oo saaka imaan lahaa garoonka Muqdisho ayaa hawada laga celiyay oo dib ugu laabtay qaarkood Garoonka Wajeer ee magaalada Nairobi, iyadoo rakaabkii saarnaa ay soo wajahday cabsi iyo khalkhal ka timid in dib loo celiyo diyaaradda.
Jaha-wareerka intaas la eg iyo halista la geliyay diyaaradaha imaan lahaa Garoonka Muqdisho oo qaarkood shidaal ku filan aan u heysan inay dib ugu laabtaan garoon weyn, waxaa sabab u ahaa Sunta cagaaran ee QAADKA oo nasiib darro garoonka Muqdisho laga soo dejiyo.
Shaki la;aan waxay arrintan weji gabax ku noqon doontaa maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo horeba dhibaato uga soo gaartay qarxintii diyaaradii Daallo ee 2-dii Bishii Febraayo 2016 ka dhacday Garoonka.
Goobjooge.com