Thursday, June 26, 2025

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo laga mamnuucay saxafiyiinta [Musharixiin culus oo ku soo wajahan]

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa weriyeyaasha kala duwan ee ka howlgala caasimadda looga mamnuucay inay tagaan Garoonka muddo laba bilood ah.

Qoraalka oo ku saxiixnaa maareeyaha amniga Garoonka Cabdi Ashkir Jaamac ayaa lagu amray hay’adaha ammaanka inaysan gudaha garoonka u ogolaan saxafiyiinta kala duwan ee aan fasax ka heysan maamulka garoonka, waxaana ciddii amarkaas qaadan  weyda loogu hanjabay in laga mamnuuci doono garoonka.

Amarkan ayaa soo baxay iyadoo la filayo inay Muqdisho ku soo laabtaan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana shaki laga qabaa in arrintaasi lagu soo beegay.

Dadweyne, taageerayaal iyo dad aad u fara badan oo muddooyinkii danbe isu diyaarinayay soo dhoweynta Sheekh Shariif oo marar badan dib u dhigay socdaalkiisa, waxaana muuqata inuu Xasan Sheekh  ila gaara ku eegayo musharaxan.

QORAALKA MAAMULKA GAROONKA DIYAARADAHA

warqadGoobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON