Wednesday, June 25, 2025
HomeSomaliBanaadirGaroonka weyn ee 'Muqdisho Stadium' oo dib loo furay "Daawo Sawirro"

Garoonka weyn ee ‘Muqdisho Stadium’ oo dib loo furay “Daawo Sawirro”

-

Garoonka weyn ee ciyaaraha Muqdisho ayaa maanta dib loo furay, kadib sanado badan oo uu xarun u ahaa ciidamo, waxaana dayactir lagu sameeyay kadib xariga ka jaray galabta 30 June 2020, Madaxweynaha Soomaaliya. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dayactirka Garoonka waxaa maalgeliyey Midowga Yurub iyo dalka Norway, waxaana Munaasabadda xariga looga jaray goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish, Wasiirada Dhalinyarrada iyo Isboortiga, Warfaafinta, Duulista Hawada iyo xubno kale.

Ciyaartii ugu horeysay waxaa ku yeeshay kooxaha Horseed iyo Muqdisho, iyadoo TV-ga gudaha ay tebinayeen ciyaarta iyo xafladda furitaanka.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA