Tuesday, July 15, 2025

Garsooraha Soomaaliga ah ee Maxkamadda Cadaaladda Adduunka oo dib loo doortay

Garsooraha ee ka tirsan xaakimada Maxkamadda Cadaaladda Adduunka Dr. C/qawi Axmed Yuusuf ayaa mar kale loo doortay inuu garsoore ka ahaado Maxkamadda.

Golaha guud ee Q/Midoobay iyo golaha ammaanka ayaa u codeynayay dib u doorashada 5 garsoore oo ka mida Maxkamadda Caalamiga ah ee magaalada Hague, waxaana Xaakimka C/qawi mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaas.

C/qawi ayaa ka mid ahaa Shan Garsoore oo shalay ay cod u qaadeen Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Dr. C//qawi ayaa wareegii Shanaad ee ugu dambeeyay wuxuu helay codad ku filan, waxayna shaqadiisana dib u bilaabaneysaa bisha Febraayo 2018-ka.

Dr. C/qawi Axmed Yuusuf
Dr. C/qawi Axmed Yuusuf

Garsoorayaasha dib loo doortay waxay kala yihiin: Ronny Abraham (France), gudoomiyaha maxkamadda; Abdulqawi Ahmed Yusuf (Somalia), guddoomiye ku xigeenka; Antônio Augusto Cançado Trindade (Brazil); iyo Dalveer Bhandari (India).

Codadka loo  baahan yahay in Garsooraha lagu doorto ayaa ah qaab u cakiran iyadoo Garsooraha lag rabo inuu helo aqbaliyadda 79 cod wax ka badan oo Golaha Guud ee Q/Midoobay ah, iyo aqlabiyadda 8 cod oo ka mida xubnaha Golaha ammaanka, iyadoo dal waliba leeyahay ilaa shan cod.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON