Wednesday, June 25, 2025

Garsoore Maxkamadeed oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Koox dabley ah  ayaa la sheegay inay xalay degmada Yaaqshiid ku dishay Allah ha u naxariistee  Sheekh Xuseen Maxamed Cali oo ka mid ahaa garsoorayaasha maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sheekh Xuseen Maxamed Cali ayaa sidoo kale ku magacawnaa Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkiisa  ka danbeeyay dabley weerar ku qaaday isagoo markaasi ka soo baxay Masjid kuna sii jeeday hoygiisa.

Kooxdii falka dilka geysatay ayaa  ka baxsatay goobta, waxaana sheekha oo markii hore dhaawac ahaa uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaalada magaalada.

Falalka lagu khaarijinayo shaqaalaha dowladda iyo mas’uuliyiinta ayaa si is daba jooga ah uga dhaca magaalada Muqdisho, waxaana inta badan sheegta kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON