Qareenka Soomaaliga ah ee caanka ah Cabdiqawi Axmed Yusuf ayaa loo doortay Guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee Magaalada Hague, Dalka Netherlands.
Garsoore C/qawi oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda International Court of Justice ayaa maanta loo dooratay xilka guddoomiyaha Madaxweynaha, isagoo noqonaya ninkii labaad ee Afrikaan oo xilka qabta, isagoo jagada heyn doona saddexda sano ee soo socota.
Cabdulqawi ahaa ah Garsoore Caalami ah, sigoo xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada adduuka sanadkii 2009.
Wuxuu sharciga ku bartay Jaamacada Ummada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna shahaadda ugu sareysa ee International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.
HOOS KA AKHRISO TAARIIKHDA C/QAWI
Maxaad ka taqaan Dr. C/qawi Ahmed Yusuf: Garsooraha heer caalami ee Maxkamadda ICJ..? [Akhriso]