Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay waxa ka dhacay magaalada Baydhaba, horena uu uga digay.
Wuxuu ugu baaqay dadka magaalada Baydhaba inay is dejiyaan oo xaaladda la qaboojiyo, si aanu dagaalka u sii socon, iyadoo dhibaato xoog leh ka jirto magaalada, isla markaana magaalada ay tahay mid go’doonsan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u warramay VOA-da ayaa sheegay inay ka daba tegi doonaan khalad dhacay ee qabashada Mukhtaar Roobow oo ay xal u raadinayaan, isagoo soo jeediyey in xal loo raadiyo ee aan awood la adeegsan.
Arrinta Mooshinka Madaxweynaha ayuu sheegay inay u taallo Baarlamaanka oo ka kooban 276, isla markaana ay go’aan ka gaari doonaan, baarlamaankuna u taagan yahay inuu wax xaliyo.
Dhageyso Wareysiga