Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa muujiyay howl dheeraad ah iyo waxqabad ka muuqda Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waxaana mas’uulkan uu muujiyay sida uu xilka uu hayo ugu qalmo.
Tan iyo intii xilka loo magacaabay Gen. Bashiir Goobe wuxuu muujiyay howl dheeraad ah, wuxuuna isbedel ku sameeyay noloshii iyo xaaladii maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo mar laga deyrin jiray.
Kadib markii la arkay maxaabiista oo daawaneysa TV-yada iyo waxaan maanta idin heynaa qaabka cuntada loo siiyo Maxaabiista oo Gen. Goobe iyo mas’uuliyiin kale ay saf kula jiraan maxaabiista oo raashin loo qeybinayo.
Gen. Bashiir Maxamed Jaamac waxaa la oran karaa waa mas’uul xil u qalma oo ku dayasho mudan dal ay ka guurtay mas’uuliyaddii Wadanimeed iyo midkii damiirka insaaniga ahaaba.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA CAJIIBKA AH
Goobjooge.com