Thursday, June 26, 2025

QARSOODI: Gen. Tuuryare oo jawaabo la yaab leh ka bixiyay sababihii uu u hortegi waayay Barlamaanka

Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa jawaab ka bixiyay sababihii uu tiro saddex jeer ah u hortegi waayay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu tegay shalay isagoo la socda Ra’iisal wasaaraha Somalia.

C/raxmaan Tuuryare ayaa ku dooday inuu maalintii koowaad ku mashquulsanaa weerarkii lagu qaaday degmada Afgooye, isla markaana ciidamo gurmad ah oo loo diray dhexda loo galay, wuxuuna sheegay inuu habeenkaasi jiifan kuna sugnaa jiidda dagaalka ee duleedka Afgooye.

Isagoo ka jawaabayay maalintii labaad wixii qabsadayna wuxuu sheegay inuu ku mashaquulsanaa dhibaatadii ka dhalatay qarixii Muqdisho, isagoo qaabilaad iyo tacsi ugu tegay qoysaskii ay ka geeriyoodeen askartii NISA uga geeriyootay qaraxyadi Hotel SYL iyo  Beerta Nabadda.

Maqnaanshihii maalintii saddexaad ayuu ku micneeyay inay dhalisay wafdi uu hogaaminayay taliye nabadsugid dal Ajnabi ah oo maalintaas marti u ahaa, wuxuuna isku difaacay inuu arrimaha qabsaday oo dhan la socodsiiyay wasiirkiisa Amniga oo ka war hayay xaaladiisa.

Xildhibaan ka daba qaatay Taliyaha ayaa beeniyay cudurdaarka uu bixiyay Taliyaha NISA wuxuuna sheegay in Afgooye ay haddaba halis ku jirto oo Alshabaab ay maamulaan dhinacyada magaalada, dadka degaankaasina ay laga lagu xukumo maxkamadaha Alshabab.

Taliyaha NISA ayaa isku dayay inuu iska difaaco su’aalaha Baarlamaanka, waxaana uu Baarlamaanka u sheegay inuu mar waliba diyaar u yahay inuu hortago baarlamaanka, balse  xaalad adag oo ammaan ay ku jiraan oo mararka qaar aan u saamaxeynin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON