Tuesday, June 24, 2025

Gen. Yuusuf Indha-cadde oo wacdarro ka dhigay shirka Dhuusamareeb (Muuqaalka cusub ee Jeneraalka)

Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha-cadde” sarkaal, hogaamiye urur iyo taliye ciidan oo si weyn ugu soo shaac baxay Gobolka Sh/hoose sanadihii 2000, kadibna si weyn uga dhex muuqday kooxihii Koonfurta Soomaaliya isku heystay ilaa uu hogaamiye weyn ka noqday maxkamadihii islaamiga kadibna wasiiru dowlaha gaashaandhigga ka noqday xukuumadii dowladii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan ah uga soo dhexm muuqday degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

indha01

Generaalka oo lebiskii ciidan ku taagan ayaa ka mid ahaa madaxdii soo dhoweysay madaxweynaha, waxaana si gaara looga dheehan karay inuu soo rogaal celiyay sarkaalkan ciidamada ka mid ahaan jiray oo door la isku khilaafsan yahay ku lahaa siyaasadda Koonfurta Soomaaliya in ka badan 10 sanadood.

Qorshaha Yuusuf Indha-cadde ayaan la ogeyn inuu ku wajahan yahay Maamulka Gobolada Dhexe ee dhowaan la filayo in la dhiso iyo inuu boos ka raadinayo dowladda Dhexe, waxaase shaki lahayn inuu wacdaro ka dhigay soo dhoweyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb isla markaana ay soo dhowaatay inuu dib ugu soo laabto siyaasadda mar haddii Axmed Madoobe oo ay saaxiibo ahaayeen iyo Shariif Xasan oo ay soo wada shaqeeyeen ka dhex muuqdaan Soomaaliyada cusub.

This slideshow requires JavaScript.

Door cusub oo Sheekh Yuusuf Indha cadde ku yeesho siyaasadda Soomaaliya waxay inta badna ku xirnaan doontaa sida maamulka Gobollada Dhexe fursad looga siiyo, isaguna ugu guuleysto inuu mashruuciisa cusub ka dhaadhiciyo dadkiisa.

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON