Dowladda Germany ayaa ku dhawaaqday deeq isugu jira gargaarka abaaraha iyo horumarinta amniga oo ay siineyso Soomaaliya.
Arrintan ayaa lagu shaaciyay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Wasiirka arrimaha dibadda Germany ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka dalkaasi Sigmar Gabriel oo maanta soo gaaray Muqdisho iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Sigmar Gabriel ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay Soomaaliya ugu deeqeyso lacag dhan 70 Milyan oo Euro, taasoo isugu jirta deeqda abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo horumarinta amniga.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda ayaa sheegay in wadahadal miradhal ah ay yeesheen labada dhinac, wuxuuna intaas ku daray in mira dhalkiisa laga arki doono Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Waa scodaalkii ugu horeeyay ee mas’uul Germany ka socda uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo burburkii dalka, wuxuuna socdaalkiisu ahaa mid lama filaan ah oo aan hore loo shaacin, xaaladda ammaan darteed.
Goobjooge.com