Thursday, July 17, 2025

Gobolka Banaadir oo xubin buuxda ka noqday Golaha Cusub ee Amniga Qaranka [Sawirro]

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xubin buuxda ka noqday Golaha Amniga Qaranka ee dhowaan la sameeyay, shirkana uga socdo magaalada Muqdisho.

Golaha oo hore aysan ugu jirin maamul goboleedyada ayaa isbedel lagu sameeyay iyadoo la balaariyay, waxaana ka dhex muuqda guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galaya shirka Golaha ee ka socda magaalada Muqdisho.

Golahan ayaa la aaminsan yahay inuu bedelay Golihii Madasha Qaran ee muranka weyn  ka dhashay awoodiisa iyo sharcinimadiisa, waxaase dad badan soo dhoweeyeen inuu Gobolka Banaadir metelaad ku yeesho Golaha cusub.

Guddoomiyaha G/Banadir ayaa la arkayay isagoo dhinac fadhiya madaxweynayaasha maamulada dalka ee Golaha ku jira.

Maqaamka Gobolka Banaadir ayaa weli xal laga gaarin, iyadoo aanu wax metelaad siyaasadeed ah ku lahayn Aqalka sare ee dalka.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON