Go’doomintii siyaasadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku heysay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa u muuqata inay fashil kusoo dhammaaneyso, kadib markii Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia uu shir u tegay Magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka furay magaalada Kismaayo shirka wasiirada Maaliyada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, dalka oo diirada lagu saarayo maaraynta miisaaniyada dadweynaha iyo hanaanka dayn cafinta dalka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb galaya shirka Kismaayo, iyadoo xukuumadda Somaliya aysan aqoonsaneyn Doorashadii Axmed Madoobe, waxayna wararku sheegayaan inay go’aanka Go’doominta Axmed Madoobe oo ahaa mid uu si gaara u qaatay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo hadda ku dhow inuu iskiis isaga burburo.


