Thursday, July 3, 2025

Golaha Ammaanka Midowga Afrika oo shiray ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya [Sawirro]

Golaha ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ku saabsan dib u eegista howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ku yeeshay xaruntooda magaalada Adis ababa dalka Itoobiya.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francis Madeira, madxa Guddiga Ammaanka Midowga Afrika, waxaana lagu bogaadiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxa Golaha Ammaanka Midowga Afrika iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa soo jeediyay in Midowga Afrika uu dejiyo qorshe si tartiib ah ciidamada AMISOM uga baxayaan Soomaaliya iyadoo aanay ka dhalan marnaansho dhinaca nabadgelyada ah.

Golaha Ammaanka Midowga Afrika ayaa shirkii ku saabsan Soomaaliya waxaa dib loogu eegayay howlgalka AMISOM ee 10 sano jirsaday iyo waxyaabihii laga bartay, iyadoo uu socdo qiimeynta qaabka AMISOM uga baxeyso Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON