Fadhigi Golaha amaanka QM ee xalay ka dhacay magaalada New York oo ahaa mid heer wasiir ah, isla markaana uu ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu go’aamiyay in magac cusub la siiyo howlgalka Q/Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.
Magaca cusub ee xafiiska howlgalka Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya la siiyay ayaa ah UNSOA (United Nations Support Office for the African Union Mission to Somalia), waxaana xafiiskaan si toos ah wixii hadda ka danbeeya u taageeri doonaa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya halkii hore ka ahaa taageerada Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Q/Midoobay oo ka hadlay golaha ammaanka ayaa sheegay in shaqada xafiiska cusub ka balaaran doonto tii hore, ayna ku dari doonaan arrimo cusub.
Qaraarka tirsigiisu yahay 2245 ee Golaha Amaanka si rasmi ah lagu bedelay magacii UNSOM oo lagu soo shaqeeyay ilaa iyo sanadkii 2009.
Goobjooge.com