Golaha Amaanka ee QM ayaa War kasoo saaray, isagoo si kulul u cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamadda AMISOM Shabeelaha Hoose, Axaddii 1-da April 2018.
“Xubnaha Golaha Amaanka ee QM waxay markale ku celinayaan in Argagixisadda iyo qaswadeyaasha ay halis ku yihiin Nabadda Caalamka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Golaha Amaanka, wuxuuna caddeeyay in cadaaladda argagxisiada, kuwa Abaabula iyo Maalgaliyeyaasha
Xubnaha Golaha Amaanka ayaa sidoo kale waxay shirkoodii ku sheegeen in muhiim ay tahay in taageero buuxda la siiyo Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee la Dagaalamaya Al-shabaab.
Weerarka ka dhacay Buulo-mareer, oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamadda Uganda ee AMISOM ayaa lagu dilay 8 askari oo Ugandes ah, iyadoo sidoo kale lagu laayey Alshabaab lagu sheegay tiradooda 53.