Sunday, July 13, 2025

Golaha Amniga Midowga Afrika oo si kulul u Cambaareeyay Muddo kororsigii Farmaajo (Bayaan Culus)

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa cambaareeyay qaraarkii Golaha Shacabka ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay Golaha kadib shirkii uu maanta ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, ayuu muddo kororsiga Maxadaxweyne Maxamed Farmaajo ku tilmaamay mid halis ku ah xasiloonida iyo amniga Soomaaliya iyo tan Gobolka.

“Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika wuxuu walaac weyn a muujinayaa tallaabada kelida ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12-kii Abriil 2021, ee ku saabsanaa meel marinta qaraar uu saxiixay Madaxweynaha 13-kii Abriil 2021-kii, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii 17-kii Sebtember-2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka.

“Goluhu wuuxu cambaareynayaa ficilladii 12kii Abriil 2021 ee Golaha Shacabku, ee ay ku kordhiyeen waqtiga Madaxweynaha iyo Baarlamanka, taasoo dib loogu dhigay doorashooyinka, taas oo wiiqaysa midnimada iyo xasilloonida dalka, geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dastuurka ee curdanka ah. waxay khatar gelineysaa nabadgelyada iyo nabadgelyada, iyo sidoo kale guulaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay iyada oo taageero ka heleysa Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale oo leh allabaryo badan” ayaa soi cad loogu sheegay Bayaanka Golaha Amniga Afrika.

Waxaa kaloo walaac qoto dheer Goluhu ka muujiyey saameynta ay ku yeelan karto xaalada siyaasadeed ee haatan jirta iyo jawiga ay ku yeelan karto isku xirnaanshaha federaalka Soomaaliya, midnimada ciidamada Soomaaliya iyo laamaha amniga, hanaanka abuuritaanka xoog iyo awooda lagu sii wadi karo hoos u dhigista Al Shabaab.

Arrintan dhulgariir siyaasadeed ku ah Maxamed C/llaahi Farmaajo oo rajo ka qabay inay mudd kororsigiisa 2-da sano taageeraan Midowga Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON