Monday, June 23, 2025

Golaha Amniga Q/Midoobay oo War-cusub kasoo saaray Eryidii Wakiilkii Q/Midoobay Nicholas Haysom [Akhriso]

Golaah Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa War kasoo saartay Go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku ceyrisay Wakiilkii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya NicholasHaysom.

War kasoo baxay Golaha Amniga kadib kulan albaabada u xiran yahay oo ay ka yeesheen arrintan ayaa algu sheegay inuu Golaha Ammaanka aad uga xunyahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qaadatay Wakiilkii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Golaha amniga ayaa sheegay inuu rajeynayo in howlaha UN-ku ka wado Somalia ay sii socon doonaan wadashaqeynta iyo iskaashi buuxa oo dhex mara Somalia iyo Q/Midoobay, isla markaana ay taageerayaan go’aanka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay ee uu wakiil cusub ugu magacaabayo Soomaaliya.

Golaha amniga wuxuu Warkiisa ku xaqiijinayaa xushmenyta madax bannaanida, qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka Soomaaliya iyaga oo dhiirrigeliyay in lasii dardargeliyo wada shaqeynta labada dhinac.

Warkaan ayaa daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu sidoo kale jimcihii soo saaray bayaan uu ku sheegay inuu ka xun yahay go’aanka Soomaaliya ay kusoo eriday danjire Nicholas Haysom.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON